Madaxweynaha Dalka Ugandha ayaa shaaca ka qaaday in ay sii balaarinayaan howlgalada lagula dagaalamayo Alshabaab.
Madaxweyne Yuweri Museveni oo saxaafada kula hadlay gudaha Madaxtooyada Ugandha ee Magaalada Kampala ayaa sheegay in ay sii wadayaan dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.
Museveni waxa uu xusay in dalka soomaaliya ay Ciidankiisa u joogaan sidii ay amniga wadanka u soo celin lahaayeen balse haatan ay sii balaarinayaan dagaalka ka dhanka ah Kooxdaasi.
“Alshabaab waan ka cirib jaraynaa Soomaaliya… Ciidankeena sidaasi ugala bixi mayno dalkaasi illaa aan dalkaasi ka sifayno Kooxdaasi Argagaxisada ah…” ayuu yiri Madaxweyne Yuweri Museveni.
Daawo video-ga:
Madaxweynaha ayaa hadalkan jeediyay ka dib Alshabaab markii ay sheegteen qaraxyadii ka dhacay Magaalada Kampala isagoo balan ku qaaday in ay kooxdaasi ka tirtirayaan dalkaasi Soomaaliya.
Ugandha ayaa waxa ay soomaaliya u soo dirtay Ciidan xoogan si ay u caawiyaan dowlada KMG ah Ee Soomaaliya oo dagaal kula jirta Kooxdaasi.
Inta badan Ciidanka dowladaasi waxa ay la kulmaan dagaal ka dhan ahoo mararka qaar qasaara uu ka soo gaaro xiliyada ay dagalaamayaan iyadoo dhawaan qaraxyo is xigxgiay lagu qaaday magaalada ay ka soo tageen ee Kampala taasi oo dhaawac ku noqotay joogitaankooda Soomaaliya.
Xafiiska Bartamaha.Com
Nairobi –Kenya.
No comments:
Post a Comment